Custom

Yuu dhibay jaceyl? Sheekooyin jaceyl? Bogga sawirada Waxbarashada!!!!! Bogga martida!!! Rayiga dadweynaha!!! Diini Dhambaalka mucaashaqiinta!! Waa maxay caafimaad? Heeso qoraal ah Aragtida dhabta ah!!! Photo

Ka aqriso halkan heeso qoraal ah !!

waad Mahadsantihiin dhaam dadweynahay soo booqdo mise fikradahooda ku soo qortay baga martidad waxaana mar waliba diyaar u nahay  qormooyinka aay xiiseeyaan  bushaweynta soomaaliyeed meelwaliba aay ka joogaan aduunka .                                                                 

waxaana halkaan ku soo bandhigayaa heeso qoraal ah ee xiiso badan .

Aan ku bilaaba hees aan filaayo in dhiiga wadaniyiinta soomaaliyeed in aay kicindoonto 100%.

hadii aanay dabeel hurin
awood maleh nafteyduye
markaan uurka hooyadeey
ifka uuga soo baxay
anigoona anfaco baran
neecawdiisa uduga leh
kii igu canqariyoow
arligeygoow

inaan kuu adeegoon
aduunyada intaan jirin
waajibkaga oofshaan
axdi kuugu marayaa
arligeygoow

ninkase kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la jira
saw ma oga
horta saw ma oga
noloshiisa oo idil
saw ma oga
waxay ku ambaqaadaba
saw ma oga
oontaada inay tahay
saw ma oga
ab looga hadh inaad tahay
saw ma oga
dhaxal awoowe inaad tahay
saw ma oga
isagu inuu ku leeyahay
saw ma uga
waxse ku uursamaataa
arligeygow
irbad kaama ridi karo aqoonyare
bulshadana ku ceebow

udubkiyo dhigihiyo
aloolka iyo raarkaba
aqal kaan ka helayow
intaan dibada joogo
ajashu ii timaadana
kii laysoo ambinayee
iilkey ku yiiloow
arligeygow

inaad ku ogalaado
adduunyada intaan jiro
aayaahaa ka taliyaan
axdig kuugu marayaa
arligeygoow

ninkase kaa ordee
kaa abaal dhacee
adoonsiga la jira
saw ma oga
horta saw ma oga
noloshiisa oo idil
saw ma oga
waxay ku ambaqaadaba
saw ma oga
oontaada inay tahay
saw ma oga
ab looga hadh inaad tahay
saw ma oga
dhaxal awoowe inaad tahay
saw ma oga
isagu inuu ku leeyahay
saw ma uga
waxse ku uursamaataa
arligeygow
irbad kaama ridi karo aqoonyare
bulshadana ku ceebow

waxaa soo uruuriyaya: maxamad cali maxamad (ilkacase)

eelay90@hotmail.com

www.sheekeeye.8m.net

Naftayda
By Mohamed Saleban Tubeec

Naftayda adaa hinqaaroo
hablihii kale waan ka hadhayee
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee

Naftayda adaa haleeyoo
huqdii caashaqana ku beeree
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee

Naftayda adaa u horseedoo
hadana hadhsan weyday awgaa
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee

Naftaydu aday ku haybin
hadana ku heshoo ku weydey
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee

Naftayda adaa hinqaroo
hablihii kale waan ka hadhayee
anigu kaa helay hubaale
hubso naa ma ila haysaa
mise waan hadraayaa
gudcur baan hilaabtee

Fadlan usoo dir wixii qaladaada ah Asadyare181@hotmail.com

b/weyn _Hiiraan_email: asadyare181@hotmail.com

 Naruuradee jacaylkee
By Lafoole

 Nuurkii indhaha iyo
Nafta raaxadeedaay
Taan nasiibka ku hamiyaay
Calaf ineey u noqotaay

Ku nagaatay labtoo
Nuudayaasha beerkiyo wadnaha
baad ku nabantahayee

Naruuradii jacayl kaay
Sharka laga nasahayee
Sidii nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan
Bilaneey kuugu nugulahay
Niyadeeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay

Tii nacab iblaysiyo
Naxli laga fogeeyaay
Noocii ijaabada
Tii lagu nisbeeyaay
Nooci ijaabada
Tii lagu nusbeeyaay
Nasteexadii Ilaaheey
Tii aan ka nooginee
Naajax ku ahaydee



Nugul laba u kala roonee
Naqa iyo abaartuye
Soow laabta umaad noqon
Dagarka iyo doogii

Nacas lama amaanee
Naagaba adoo wacan
Nin raga saamigii siyee

Naruuradii jaceeylkee
Sharta laga nasahayee
Sidi nirigta maandeeq
Naxariista eegmada
Ugu soo noqnoqotaan bilaneey
Kuugu nugulahay
Niyadeeydu gacalooy
Mideey naawishaad tahay

Insert Another Sub Header Here

 

 Nasteexo
By Mohamed Saleban Tubeec

Nasteexooy naruuro iyo
Adaa Nabadba gooyee
Niyadaa ku diidoo
Adaa nacab ku beeree

Ka noolaaday waagii aad
I naa naabineysee
Maxaad igaga naban tahay
Oo aad ii naadineeysaa
Nacab ku odhan maayee

Nasteexooy ninkii nool
Naxdin baa u taalee
Nimco maleh aduunyadu
Nasso maalmo mooyee

Baguu nabar ku gaadhood
Nabsigeeygii aragtee
Maxaad igaga nabantahey
Ood aad ii naadineeysaa
Nacab ku odhan maayee

hadalkaada halahaado xigmad !!!

 

 Kalgacaylku
By Saalax Qasim

Kalgacaylku Waa Qani
Caashaqa Ka Qaran Weyn
Quruxiyo Wanaag Badan
Waana Shay Ku Qaaliya
Qiimeynta Aadmiga
Labada Isla Qadaan
Qalbigooda Kama Go'e
Waxan Igaba Kaa Qaban
Kuu Quudhi Maayee
Qumanoow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
Soo Dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaada Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Allow Yaa Habeen Qudha
Uurkeyga Qala Oo
Qudha Uun La Iga Jarin
Quuruumaha Ku Loolama
Ku Yidhaa Garta U Qaad
taladaan qandhoodee
aan qawda ku hayaa
qotodeedu dheeraa
iinsha alaahu waan qaban
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali

Hibo Mohamed

Baribaa Nin Qaaliya
Qom Uu La Noolaa
Qawlka Uu Yidhaahdaba
Hadii uu Quraanyahay
Ay Ka Qaadan Waayeen
kol adoon i qadinayn
quluubtu way ku raacdee
nafta aan qaboojee
hadal quruxsan ii sheeg
Quumanow U Jeedada
Waanada Adoon Qubin
soo dhawayn Qalbi Furan
Oon Qoonsimaad Lahayn
Geestaad Ila Qabo.

Saalax Qaasim

Aduunyada Qorshaa Jira
Iyo Qaabab Waaweyn
qarar oodan baa badan
Qaxar Iyo Dhibaatana
Intaa Way Is Dhex Qaadaan
Qandoodee sheekada
waan qaadi doonaa
qarqarsiga ku jiidoo
hawlaha ma qabanaa
Qalanjooy Inanadee
Hadii La Isku Keen Qorey
Oo Aan Qof Isku Leenahay
Waan Isla Qosli Doonaa
Adna Taa Qiraha Gali

Insert Another Sub Header Here

 Ha la yaabin waayaha
By Maxamed Axmed Dhabarlow

Adduunyadan yihiinka ah,
Qarniyadan u yaalka ah
Tariikhdan yul-yuladka ah
Waqtiyadan yuraynta ah
Dharaarahan yahoonka ah
Habeennadan yahoolka ah
Dhacdadaan yaqiinka ah;
Waxaan shaleyto yeelaan
Maantana la yaabaa

Haduu hilibku yaal yaal;
Oon haadka yowga ah
Laga odhan yaliyo dhaaf
Dugaagana yur laga dhihin
Yeeshuu ka fara madhan
Yeelmada kabaha go'an
Yalla ula kac wuxuu yidhi
Halla wada yaxoobo
Hammo yuqan hallagu karo;

yuuq yaaq maxaa dhalay?
Yaw yaw maxay tahay?
Maxaa sheekadii yugay!
Yeel diiday ku ekeyd
Hadalkana is yeel yeel
Iyo yaabis laga dhigay
Midka aan yagleeshee
Hayabaa Hayabaa Hayabaa
Hayabaa Hayabaa cayaar dhaha

Waxaad soo yabaashaba,
Ood soo yab-yabataba
Ood soo yuhuuntaba
Yididdiilo oloshaba
Markay kaa yaraataba
Yaa waxaad tidhaahdaa
Dhibka aad la yoontee
Ha la yaabin waayaha
Yibi baa dambaysee.

B/weyn allahayoow ka dhig beerta raaxada buundaweyn alahayow balaayada hareermari!!!

 Baledweyn
By
Xasan Adan

Bi'i waa jacaylow
boodhari inuu dilay
been baan u haystee
bi'i waa jacaylow
boogaan la dhayinoo
cidi baanan karinoo
beerka iyo wadnaha iyo
bogga kaaga taalliyo
inuu yahay bir caashaqu
been baan u haystee.

webigoo butaacoo
beeraha waraabshoo
dhulku baadku jiifoo
dhirta ubaxu buuxshoo
badarkiyo gelleyddii
laga tuuray baalkoo
canabkii bislaadoo
bulladiyo ciyaaraha
lagu waa bariistoo
beeluhu gu' joogaan
saw bari samaadkii
beledweyne maan tegin.
dhanka bari magaalada
saw boqorod joogtoo
biyo dahab la moodoo
bilicdii haweenkiyo
bili loo dhammeeyoo.

Timo boqonta joogoo
baal goray la moodoo
baarkana casaankii
bidix midig is gaadhoo
bul cad lagu sideeyo.
badh ku seexanaysoo
barkanaysa qaaroo
huuwanaysa baaloo
igu beertay lahashoo
u buseelay maan baran.

saw goor barqa ahoo
bishu ay siddeed tahay
aniga iyo beerlula
isku maanan soo bixin.

saw bariidadaydii iyo
saw badashadeedii
buundada ciyaartee
beledweyn ku taalee
biyo lulata guudkood
badhtankeeda maahayn.
sow bixiso weeyee
balan maanu dhiganoo
beri joog imay odhan.
sow bayd go'aygii
layguma bushaarayn.
maantaa la baxayaa
bulshadii imay odhan.
sow waa bestayoo
socod beegsan maayee
Ina baaja caawoo
I baxnaansha maan odhan
sow taliye baasoo
ba' anoo war moogi
taydii ma beeneyn
sow badiba kooxdii
goortay badheedheen
baabuurka fuuleen
ana baal kamaan korin
boholyow daraaddii
sow baraq nuglaantii
balo lagu ducaystiyo
baryo kuma maqnaynoo
biri may xumaatoo
baadroolka daadsho
ka wadaa bukoodoo
bogsan waayo maan odhan
Sow beriga waagiyo
barqa kulul dhexdoodii
geed baaxad weynoo
dherer iyo ballaar lehoo
baladweyn ku caanoo
la yiraahdo baaroo
bilig dheer hirkiisii
ma bidhaansanaynoo
bulxankiisa yeedhiyo
ma maqlaynin baaqoo.
sow baaxad soorihii
iyo laba boglayntii
maan noqon bestayoo
bacadkii ma dheelliman.
sow galab boqoolkii
annagoo barwaaqiyo
meel baadle joognoo
tumanaynna Beerrey
Sooma soo baraarugin
riyo beena weeyee
saw baalla daymii
baabuur lalaayoo
haad baalle moodoo
fananaayo buur dheer
isma odhan ka boodo
nafta sow ma biimayn
nin Banaadir joogoo
baledweyn la haystoo
waxaan ahay la baabee
saw baadi doonkii
wali baafis maan ihi

beledweyn alahayow
ka dhig guri barwaaqee
beerlula alahayow
balaayada hareer mari
beledweyn alahayow
ka dhig beerta raaxada
beerlula alahayow
guryo samo ku nooleey
beledweyn alahayow
ka dhig xero baraare
beerlula alahayow
garab mari waxyeelada
beerlula alahayow
garab mari waxyeelada
beerlula alahayow
balaayada hareer mari
beerlula alahayow
guryo samo ku nooleey