Ubax weeye caashaqa?

Yuu dhibay jaceyl? Sheekooyin jaceyl? Bogga sawirada Waxbarashada!!!!! Bogga martida!!! Rayiga dadweynaha!!! Diini Dhambaalka mucaashaqiinta!! Waa maxay caafimaad? Heeso qoraal ah Aragtida dhabta ah!!! Photo

soo dhaweynta mucaashaqiinta !!!!!!!!!!

Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye !!!

1. Nimuu caashaq dhiibay baan ahay oo ciillan waligiiye        
2. Anigoo carruuruu i galay cudurka shaydaane
3. Culays buu i saaray iyo xanuun caadi yoon bi'ine
4. Cabsi kama qabayn maalmuhuu igu cusboonaaye
5. Ciduun baa dawayn baan is iri, ciirsi kuu baxa'e
6. Cashar ii qora yaan lahaa culumo duub wayne
7. Ceesaamo gowracay intaan ciid ka faashadaye
8. Cishriin bilood baan ku jiray weel ciriiri yahe
9. Welina caafinaad ma ledin oo waygu caynkiiye
10. Intuu ii carooduu dhammaan cunay dubkaygiiye
11. Casho iyo quraac buu ka dhigay cudadahaygiiye
12. Cadkii waa ka feensaday laftii coodi iyo jiire
13. Ciriqyadii wadnaha buu xiroon dhiigga celinayne
14. Naftana waygu caascaasiyo, ceeshkii iga gooye
15. Caanana kollay ku tahay dhadhamo wayga celiyaaye
16. Cunahaba wixii sii maraa waa candhuufada'e
17. Cagtaydii tallaabada gabtoo caajis baan ahaye
18. Sidii ruux cirroola ah yaan tukubo culus ku ruugaaye
19. Cirba-jeedis mooyee durduro waan ka caal-dhigaye
20. Waxbase yaan calaacalin rag waa kii calool adage
21. Middii cudurkan igu beertay baa ii cadaawa ahe
22. Anigaa naftaydii casilay caadil ii qoraye
23. Cudur iga fog baan doontay oon caabuq ii harine
24. Haweenna way ka cararaan nimaan caysh u fidinayne
25. Hadba kii cashada siiya bay wada caweeyaane
26. Caqli iyo garaadkoodu waa calal nadiifaade
27. Haddii uu cirfiid yahay midkii cuud le bow taline
28. Cadaabtii Ilaah iyo nabsiga kama cabsoodaane
29. Cilmi baan ogayn jeer in ay caaska geliyeene
30. Middii calanka loo saaray baa cayrisoo dhimaye
31. Inuu caashaq naageed dilaan cidina moogayne
32. Aniga halkaan caawa aal ciribla' weeyaane
33. Ka carraabay dunidoo naftani waygu ciribriiqe
34. Noloshii cirkay iga tagtay iyo caadka hoos mara'e
35. Cisraa'iil wuxuu igu wadaa ceelkii aakhiro'e
36. Teer iyo carruurnimo middaan daba cataabaayey
37. Haddii ay i caawini lahayd cudur ma jiifeene
38. Cidlada iyo jirradu waa darteed caawa aan qabo'e
39. Ninkii caashaq naageed qabow, xiro calooshaada!

            axmedsaadq15@hotmail.com

waa soo uruurintii: Axmed cilmi xasan (Naaji)

Yuu Dhibay jaceyl?

Waa maxay jacayl mase loo dhintaa????!!!!!!!




Jacaylku waa shay qaali ah kaas oo ku lamaansan jiritaanka Nolosheena, jacaylku
anagaa u baahan asaga Nooma Baahna Jacaylka erayga la dhoho asal ahaan Ahaan bal
aan fiirino erayada uu ka soo jeedo iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha aadamiga
iyo waxa laga soo gaabiyay

(L)lack of pleasure
(O) ocean of sad
(V) vellay of deeth
(E) end the live

Hadaba erayadaas waxaa laga soo gaabiyay kalmada inglish ka ah oo Micneheedu yahya
jacayl lagana soo gaabiyay erayadaas oo Micnohoodu yahay farax la,aan, bada
murugada, Dooxada Quruntay, Dhamaadka nolosha isla markaana waad dareemi kartaa
Saamaynta uu ku leeyahay nolosha bilaw - aadanka hadaba kalmada love oo micneheedu
yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo
gaabiyay kalmada jacayl

(J) jawhar
(A) amakaag
(C) calaacal
(E) enfariir
(Y) yaab
(L) luul

Hadaba akhriste waad aragtaa qiimaha uu leeyahay jacaylku marba Haduu yahay jawhar
marna waad aragtaa dhibaatooyinkiisa marba Haduu yahay amakaag, calaacal. yaab,
iyo luul akhrista hada ka Hor ayaa la is weydiiyay waxa uu yahay jacayl waxaana ka
Jawaabay fanaan oo yiri WAA MAXAY JACAYL??? waa macaan Ama waa qaraar hadba waa
siduu kuu soo maree marka jacaylha Waa run hadba waa siduu kuu soo maro qofka mar
waxaa laga Yaabaa In laga waraabinayo labo dhan taas macnaheedu waxaa Weeye Labada
qofba ay wada dareemaan jacaylka markaas waa Macaan marka uu qaraarka noqonayana
waxaa weeye marka laga Waraabinayo hal dhinac ha ahaado dhanka ninka ama haweenta
Jacaylka waxa uu leeyahay Aabe, Hooyo, Walal, Dad uu jecelyahya, Dad uu necebyahay,
Waxyaabo ay wada socdaan, Meel uu Kayimaado, Meel uu dago,Waxyaabo uu Jecelyahay,
Waxyaabo uu Necebyahay, bal hadaba aan eegno Waxyaabahaan soo sheegnay Sida ay
suura gal u yihiin
Aabihiis -Nasiib
Hooyadiis -calaf
Walaalihiis -dadaal
Dad uu jecelyahay - Ruuxa daacada ah
Dad uu necebyahay - ruuxa aan daacada ahayn
Waxyaabo ay wada socdaan -dookha
Meel uu kayimaado - Dareen uu qofku wax dareemo
Meel uu dago - qalbiga
Waxay wada socdaan -- Dookha
Hadaba jacaylaka haduu yahay saas miyuusan la mid ahayn ruuxa Insaankaa oo kale???
Jawaabtu waa haah waayo intaasba bilaw Aadanka waa
leeyahay!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku Kulanaa nolosha,
jacaylkU asagaa Nooma baahna ee anagaa Ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah
ilaa iyo abuurkii xaawo Iyo aadan, Jacaylka kamaan maarano asagana Nagama maarmo
Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana
geed laga waraabiyo labada Dhan
waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala
gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax
dhukan abaar moog)
dadkaas waxaa kamid ahaa

Laylo
Qays
Cilmi
Hodan
Juuliya
romi
Grendiano

Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin hadaba
mucaashqiintaas geeriyootay waxaa hadaladoodii ka mid ahaa JUULI - ( do you keep
aware that i abamdone eating, sleeping, relaxing, for sake of your Adore)
ROOMI - ( my love for you has grown deeper and deeper) (my love for you is like
ashadow wich never leaves it,s owner
CILMI -Aniguba qadraan soo arkiyo qaararkii hodane in aan eebahay idin qaribin
qariya laabtiina anigoon xabaal la igu hamsiin waanan ka harayne haday hawl yaraan
idin latahay aniga waa hooge
maqaalkaan kumaan soo koobi karo hadaladoodii ugu danbeeyay kuwaas oo aad ka
turjuman karto saamaynta uu ku reebay jacaylku
Farqiga U Dhaxeeya Mucaashiqiintii Danbe Iyo Kuwa Hada Jooga
Dadka jacaylkii waxa ay ka fahmeen qalad waxaana loo turjuntay si aan macquul ahayn
kana mamnuucan xaquuqda jacaylka waayo dadka haatan jooga waxay u isticmaalaan
jacaylka hab qaldan sida qurux,lacag.qabyaalad,dano gaar ah ilaa dadkii aamineen
jacaylku inuu yahay dan gaar ah oo uu yahay Dhalanteed kuwaasna waa Cadawga jacaylka
jacaylku waa dahab aan la gadan karin taas waxaa kuu cadaynaysa Nacayb waa la iibsan
karaa lakiin jacayl lama iibsan karo
Jcaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah
Dhidid
Cuqdad
fakar xad dhaaf ah
Boholyaw
Mashquul fara badan
Qofka oo dhibsada hadalka
U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd
Tarsaas magaca qofkaad jeclayd
Cunada oo kaa xiranta
Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad
jeclaato buugta iwm ka sheekaysa qisooyinka jacaylka
Riyo iyo qaraw
aniga gaar ahaan jacaylka maan aaminsanayn balse markuu igu dhacay ayaan waxaan
ogaaday in uu jiro fadlan hadaadan jacayl waxba ka aqoon ha dhihin ma jiro iyo looma
dhinto hadalkayga aan ku soo afmeerayo maqaalkaan aadka u xiisaha badan waxaa
weeye
Red is red-red is blood -blood is heart -heart is love -love is life
Guduudku waa guduud guduudku waa dhiig dhiigu waa wadne wadnuhu waa jacayl -jacaylku
waa nolol

Waxaan umahad celinyaa marka labaad iilaahay i waafajiyay in aan idiin soo gudbiyo
dhambaalkaan qiimaha mudan
waxaan u mahad naqayaa akhristayaasha dhambaalkaan

Xasuusin
Qaybtaan qaybta ku xigta waxaan uga hadli doonaa insha-allah waxyaabaha keena
jacaylka iyo waxa looga guul gaaro iyo waliba dareenka raga iyo dumarka ee ku aadan
jacaylka
Afeef
Waxaan ka afeefanayaa wixii qalad ah uu ku yimaada akhristayaasha in ay ka raali
ahaadaan waayo magafe waa alle insaana waa gafe wabilaahi TAWFIIQ    

asadyare181@hotmail.com

trueqassin@yahoo.com

Qoraa sare:Abdi Asiis Aadan Faarax(Black)

Customizing and Personalizing My Site

Habka aad ilmahaaga ugu muujin karto inaad jeceshahay !!!

Jjecelku waa wxa ugu qaalisan ee laba qof ka dhexeeya, inata badanna keenaa kalsoonida iyo wax isu huridda, labada qof ee ugu horeeyaan iney jacayl iyo kalgacaylaba abuuraa waa waalidka iyo ilmihiisa, hadaba sideed u abuuri kartaa jacayl adiga iyo ilmaaga idinka dhexeeyaa, aqoonleyda ku takhasustay cilmiga tarbiyadda waxay tilmaamaan 24 hab oo aad ilmahaaga ugu muujin karto jacaylkaaga waxaana ka mid ah.

  • 1 inaad ilmahaaga la qaado waqti badan, mid waliba inaad la qaadato waqti adiga oo mid waliba wuxuu jecelyahay la sameynaya, mid aad la cayaarto ciyaarta uu jecelyahay, mid aad meesha uu jecelyahay la aado, mid aad maqaayad waxa ka soo wada cuntaan, mid aad uga sheekeyso sheeko uu jecelyahay, arimahaasi oo idil waxay u muujinayaan in waalidkood jecelyahay.
  • 2 Waxaad ilmahaaga galisaa kalsooni, adiga oo dhiirigalinaya dadaadlkooda iyo waxqabadkoodana qiimeynaya kuna abaalmarinaya xataa haddii wax yar oo aan adiga qiimo kula lahayn uu sameeyo.
  • 3 U dabaaldag howlmaalmeedka ay soo qabteen, tusaale inaad maanta qado gaar ah la sameeyo waayo hebel ilig ayaa ka dhacay oo waa uu weynaaday, mida kale ayaa maanta kooxdiisii kubadda cagta guuleysatay, mid kale ayaa maanta imtixaankii darajo fiican keenay , mid kale ayaa maanta macallimadiisii soo amaantay, mid waliba u tus inuu agtaada muhiim ka yahay oo waxqabadkiisa aad ku farxeyso una dabaaldageyso, iska ilaali inaad diiradda aad saarto mid ama laba kaliya ee cadaaladdu waxay ku jirtaa inaad mid waliba guusha aad u muujiso aad daneyneyso.
  • 4 Bar ilmahaaga fakar wanaagsan iyo waxqabadka wanaagsan, tusaale haddii uu wiilkaaga dugsiga uu ka yimaado isaga oo wada wasaqeysan ha canaanan ahana ku qeylinin sida haboon ee caqliga saliimka ah keenayo waa inaad tiraahdaa " Alley lahee maanta si wanaagsan ayaad u soo cayaartay waad daallan tahay gaajo badanna wey ku haysaa " hadalkaasi wuxuu albaabada u furayaa inuu kugu farxo oo uu kugu kalsoonaado, waxa aad u sheegi doontana uu si niyad furan u dhageysto kaana qaato, markaa ka dib inaad u sheegto inuu si daggan u cayaar oo uu dharkiisa wasaqda ka ilaaliyo , waayo ilmuhu marka uu wax soo qaldo wuu ogyahay mowqifkiisa wuxuu isu diyariyanaa is difaac iyo ka hortag canaanta iyo qeylada waalidka , ilmaha qaar ayaa isku difaaca oohin , qaarna aamus iyo xanaaq , qaar kalena muran iyo qeylo kaa horkeena, si aad intaasiba uga fogaato waxaad waalidow albaabada u furtaa iridda jacayl adiga iyo ilmahaaga oo ah hadal dabacsan oo ilmaha ka xishoodsiiya is dadbanna uga saxa qaladka sida eraydii aan soo sheegnay oo kale.
  • 5 Waxaad ilmahaaga uga sheekeysaa yaraantoodii, sida ay ahaayeen wixii ay sameyn jireen waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee soo maray iwm.
  • 6 U sheeg iney jiraan waxyaabo badan oo aad iyaga ka baratay, tusaale wiilkaaga oo maalin ku tusay alaabta aad dukaanka ka soo gada lahaydeen meesha ay taallo, inaad had iyo goor u sheegto inuu isaga ku baray alaabtaasi meesha ay taal, ha yareysan arinta waayo ilmuhu waxay u fadhidaa qiimo weyn inuu waalidkii wax u qabtay ama waxbaray waxay abuurtaa kalgacayl idin dhexmaraa.
  • 7 U sheeg inaad ku faraxsan tahay inaad tahay waalidkood , iyo inaad aad u jeceshahay korriinkooda.
  • 8 U daa ilmahaaga doorashadooda waxa ay xiranayaan, waayo waxaad ku barbaarineysaa inaad ixtiraameysa ra'yigooda iyo doorashadooda, taasoo keeneysa iney iyaguna si aad ah u ixtiraamaan go'aankaaga.
  • 9 Dhexgal ilmahaaga marka ay cayaarayaan, la cayaar kala qeybgal marka ay waxa sawirayaan ama midabeynayaan ama wax isku rakibayaan ama ay kubad cayaarayaan.
  • 10 La soco jadwalka waxbarasho ee ilmahaaga, sidoo kale macallimiintooda iyo saaxiibadood, si marka aad kala sheekeysaneysa habeenkii wixii ay dugsiga maanta kala kulmeen adiga oo aan weydiin su'aal guud ee ah " maanta dugsigii ka waran ? oo ah sida waalidku u badan yahay, laakin aad weydiiso macallimaddii heblaayo ka waran ama saaxiibkaa hebel ka waran adiga oo magacyadooda sheegaya , sidoo kale maadooyinkii ay maanta soo qaateen iyo meesha ay marayeen weydiinaya , waayo mar waliba oo aad weydiisaa su'aal guud wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab guud sida fiican , waxba OK iwm, laakin haddii ay su'aashu ahay mid tilmaaman oo magac iyo maadaba tilmaameysa wuxuu ilmuhu ku siinayaa jawaab tifatiran isaga oo ku faraxsan niyaddana u sheegaya waalidkaa wuu kula socdaa aad ayuuna u daneynayaa dugsigaaga iyo waxbaashadaada.
  • 11 Haddii uu wiilkaagu doono inuu wax kuu sheego waa inaad u soo jeedsataa oo aad indhihiisa iyo afkiisa eegtaa , waana inaad tustaa inaad daneyneyso sheekadiisa oo aad xiiseyneyso waxa uu kuu sheegayo, iska ilaali inaad wax kale isku mashquuliso marka uu wax kuu sheegayo buug aqrin , cuno karin iwm.
  • 12 Uga sheekee dhinacaaga wixii aad maalintaasi la kulantay , ugan dhig caado joogta ah oo aad barto inaad uga sheekeyso howlmaalmeedkaaga waxaa soo sameysay cidda aad la kulantay wixii kaa qosliyay wixii kaa yaabiyay iwm, taasina waxay keeneysaa in iyaguna ay dhinacooda si tafatiran kaaga waramaan wixii ay la kulmeen.
  • 13 Warqad yar ugu qor erayo muujinaya inaad jeceshay, sida aad ayaan kuu jeclahay, fariid baa tahay iwm, una gali barkinta hoosteeda haddii aad baxayso iyaga oo jiifa ama u dhexgali shandadooda dugsiga si ay u ogaadaan inaad mar waliba niyadda ku hayso xataa haddii aad maqan tahay.
  • 14 U muuji ilmahaaga inaad jeceshahay,xataa haddii aysan kula joogin tusaale inaad codka kor u qaado isaga oo qol kale ku jira adiga oo amaanaya ama tilmaamaya inaad jeceshahay.
  • 15 Haddii ay ilmahaagu wax sawiraan, sawirkaasi darbiga ku dhaji dareensiina inaad ku faraxsan tahay waxqabadkaasi.
  • 16 Iska ilaali inaad ilmahaaga kula dhaqanto sidii uu waalidkaa kugula dhaqmi jiray waayo taasi waxay inta badan keentaa qaladaad, sabab, labada xillig oo kala duwan iyo adig iyo iyaga oo kala duwan marka xilliga iyo qofka oo kala duwan darteen iska ilaali inaad sidii laguugu soo dhaqan inaad ku dhaqdo , ee sida wanaagsan marxaladda iyo qofnimada ku haboon ku dadaal.
  • 17 Waad inaadan ilmahaaga kala hortagin waad qaldan tahay, haddii uu qalad sameeyay ee waa inaad tiraahdaa haddii aad sidaasi yeeli lahayd qaladkaasi ma dhaceen, dabadeedna aad barto sida saxa ah.
  • 18 Waa inaad sameysataan adiga iyo ilmahaaga eray sir idiin ah ama tilmaam idiin gaar ah oo aad ugu muujineyso inaad jeceshahay
  • 19 Isku day maalin waliba oo cusub inaad bog cusub furataan, lana ilaawo qaladaadkii shalay iyo wixii ka horeeyay, maalin waliba oo cusub waxay leedahay fursadeeda cusub oo aad isugu muujin kartaa jacaylkiinna iyo kalsoonidiida waana iney ilmuhu baraan.
  • 20 Ilmahaaga ugu muuji inaad jeceshahay siyaabo kala duwan sida dhunkashada, dhabta oo aad saarto , laabta oo aad ku qabato iwm, si kasto oo aad u badiso hababkaasi ilmuhu waa jecelyihiin ha yaraadaan ama ha weynaadaane.
  • 21 Waxaad guriga ku sameysataan sanduuq boosto oo aad adiga iyo ilmahaagu isku weydaarsataan waraaqaha uguna muuji waraaqahaasi inaad jeceshahay wixii ay qabteenna aad uga mahadcelineyso.
  • 22 Xusuusnow had iyo goor jacaylka waalidku inuusan shuruud lahayn, sidaasi daraadeed waxaa qalad ah inaad wiilkaaga ku tiraahdo " aniga waa ku jecelahay waayo imtixaankii ayaad gudubtay ama haddii aad waxaasi sameyso waa ku jeclaanayaa " waayo taasi waxay keeneysaa inuu ilmuhu is tuso kaliya inaad jeceshahay marka uu guuleysto oo haddii uu guuldareysto aadan jeclaaneyn , waa inaad u gudbisaa dhanbaal ah inaad abid jaceshahay waayo wiilkeyga ayaad tahay , dhinaca kalena inaadan shakhsiyaddiisa wax ka sheegin haddii uu qaldamo ee aad ka saxdaan wixii uu qalday ama aad ku dhiirigalisaa inuu marka soo socda guuleysto haddii uu hadda guuldareystay adiga oo tusaya inaad jeceshahay.
  • 23 U muuji ilmahaaga jacaylkaaga adiga oo daneynaya ra'yigiisa kala tashanaya arimaha qaarkood, qadarinaya dareenkiisa , tusayana inuu yahay qof muhiim ah qoyska dhexdiisa lagan ixtiraamo dadaalkiisa iyo kartidiisana abaal lo ohayo , qaladaadkiisan loo dhaafayo haddii laga qaldamana laga raali galinayo,.
  • 24 Ugu danbeyntii xusuusnow tiirka aasaaska u ah tarbiyadda wanaagsan waa xiriirka wanaagsan ee adiga iyo ilmahaaga idinka dhexeeya kaasoo dhaliya jacayl aan xad lahayn kalsooni iyo isku xirnaanna keenaa.

Haddii aad talaabooyinkaasi ku dadaashaa si sax ahan u fulisaa waxay keeneysaa in keydkaana jacaylka ilmahaaga uusan marnaba marnaaneyn oo uu badanayo.

     Waxaa soo Aruuriyay: Abdi asiis Aadan Faarax(black)

Maxaad ka xasuusataa Boodhari?

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayada ugu caansan gabayada Cilmi Boodhari. Gabaygan wuxuu marka hore Cilmi ugu jawaabayaa dadkii Cilmi caashaqa kula yaabsanaa. Wuxuuna u sheegayaa caashaqu in aanu layaab lahayn ee yahay wax caadi ah oo Ilaahay aadmiga ku abuuray weligiina uu soo jirey. Dadkana waxa lab iyo dhedig looga dhigay inay is cajebiyaan. Marka xigtana wuxuu dadkan la yaabsan ku lahaa muu gabadhan yar iska ilaawo oo mid kale meelahaa u doonto, in aanay arintu sidaa u sahlaneyn. Wuxuuna u sheegayaa in aanu iska saari karayn caashaqan ku habsadey Ilaahay oo ka saara mooyeene. Waxuu leeyahay wax kastana sameeyey oo wax aan ku bugsado oo iga saara ma hayo, xataa wadaadadii ayaa iga saari kari waayey. Cilmi wuxuu leeyahay waxa keliya ee dawada ii ahi waa anigoo Hodan hela, xaalka aan maanta ku jirona waxaa ka roon anigoo dhinta.

WAA KAN GABAYGII CAASHAQ

Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo Ciise nebigiiye
Cidla lagama beermeen dadkoo cuudi waaxidahe
Waxa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene
Soomaalidaa caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayeybaan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxaa kala dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jebinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calaalsho lay diidye
Caqliga yaa ka bi'in tuu Ilaah ku circadaayeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu ciroobaayey
Muga inaan cadaadaabaan ka biqi Canab daraadeede
Cududuhu ma naaxaan haddaan caafimaad jirine
Casharkay wadaaddadu qoreen cudurkan goyn waaye

Cilmi iyo daawoba doontay oo waayay cilinkiiye
Inaan kaa calool go'ay naftay caymisoo ogiye
Jeeraan Canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Ilayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay.

asadyare181@hotmail.com

trueqassin@yahoo.com

 

          Waxaa soo Aruuri :Abdi Asiis Aaadan Faarax(Black)

                                       Waa maxay jaceyl?

Qof waliba waa handisaay waxuuna hadisi karaa waxuu hamiga ku haayo mar waliba .                                                                                                       waxaan kala jeedaa arintaa  waxaa jirta su,aal  aad u qiima badan hadana aan lahaaynin  jawaab looga mideysanyahay.waxaana ku qeexnay  su, aashaa sida tan.

waxaa qoray  Abdi Asiis Aadan Faarax...

Jaceyl waa dareen                                                                                             Ku dahaaran quluubta                                                                                    Duluctiisa aay tahay                                                                                         Damac gaar ahaaneed     !!!