Utartama tacliintoo U dadaala kaligeed!!!!

Yuu dhibay jaceyl? Sheekooyin jaceyl? Bogga sawirada Waxbarashada!!!!! Bogga martida!!! Rayiga dadweynaha!!! Diini Dhambaalka mucaashaqiinta!! Waa maxay caafimaad? Heeso qoraal ah Aragtida dhabta ah!!! Photo

                  Gabay ka hadlaa waxbarashada!!!

Qormada gabayga Cabdoow maanan  qorin   maanta ka hortoowe
Qurbe nin uu daashadaan ahoon Qaaradii tagine , 
Hayeeshe  Qalbigu  meeshuu maaganyahay bal  aan shiishka qabadsiiyo.!

 ***********************************

Qaramada adduunkiyo haddaan qaaradaha eegno.
Qalin  wiixii qaatay qamarkay tageen waana loo qiraye.
Qorshihii danbana Mars  waakay qalabka geeyeene.!   

****************************************

Qunbuliyadda Nugleer-kiyo waakay quwado yeesheene.
Qumaati dayuurada  ukacana  way qotomiyeene.
Qudha  badda moolka wayn waakay  quusiyeen gujise.
Qaadir inagama jeclee  aqoontiyo  qalinka  weeyaane. !  

Qodabkaas   Tusaaleeyaye    bal aan qormo kale eegno.
Qaaraddaas madow iyo  hadaan qaybkale u leexdo.
Qaybi iyo xukun baa la hadhay qarniyaal badane.
Oo qarafkii lagu  shiday qiiqaysaa waliye.!  

*******************************************

Qaabab  xun   oo kalaa jiroon  cidi qiyaasayne.
Qori iyo qabiil  baa qaribay oo qaw ka raaridaye.
Qorsho xumida  waxa  noogu wacan waa  aqoon li´iye
Quful baa ku jaban qoom hadduu  jaahil qaayibaye.!   

********************************************

Qodobkaas tusaaleeyaye  hadaan qayb kale u leexdo.
Qoraxay iyo QEF   markale hadaan shiishka qabadsiiyo.
Qorshahaad QEF-ey waddaan qalbigu wuu ku diirsadaye.
Qof walba oo caqli lehna dhabtii   wuu qancahayaaye.!

******************************************

Qoomiyadi waxay u aydaad waddaan    qarniyaal badane.
Qaran     iyo qoysba way anfici haddeer qaabkaad  wadataane.
Qorshaheena hoosiyo   haddii aan QEF yara falanqeeyo
Qorshe socon-karaayaa  majiro haddaan qarash ladhiibayne

***********************************************

Qaaraan bileedka bixiya oo Qarshiga dhiiba.
Qamanyuuskuna  mafiicnee,  waliba oo qalbiga raacsha.
Qofkastowba shaqadaada qabo  Qaaddirna Addeeca.!

*********************************************