Yuu dhibay jaceyl? Sheekooyin jaceyl? Bogga sawirada Waxbarashada!!!!! Bogga martida!!! Rayiga dadweynaha!!! Diini Dhambaalka mucaashaqiinta!! Waa maxay caafimaad? Heeso qoraal ah Aragtida dhabta ah!!! Photo

Sheekooyin xiiso badan!!!!!!!!

           Qiyaanada mucaashaqiinta yurub??

waxaa jiri jirtay sheeko dhex martay labo qof oo ku wada nool labo wadan oo qurbaha ka wada tirsan, waxay labaduba ku noolaayeen labo wadan oo yurub ka wada tirsan.labada qof waxay ahaayeen kuwada wadaa socda, is shukaansada sheeko aad umacaana dhex marto maanlin iyo habeenba. waxay kuwada sheekeysan jireen aalada loo yaqaan internetka,markay ku daalaana waxay ku nasan jireen teleefoon.Midba midka kale wuu dharari jiray ama wuu daahsan jiray waqitga uu internetka ku arkaayo ama uu teleefoon soo diraayo,waxay ahaayeen labo qof oo aan dhhi karno waxay ahaayeen labo qof oo ah lamaano is ku dhinta. sheekooyin aad u jaceeyl macmacaan ayaa dhex maray kuwaas oo badankooda laysku dhaafsan jiray internetka.Mararka qaar waxaa laysku dhaarin jiray in midba kan kale uusan qiyaamin oo uusan axdiga uga baxin,hadii taas ay dhacdana laga yaabo in ay dhimasho sababto. sheekooyin dhex marijiray ayaan kasoo qaadnay labo warqadood oo ay isku dhaafsadeen interenetka. warqada ugu horeysay waxaa soo diray gabadhii waxayna usoo dirtay ninkii iyada oo dareenkeeda ku cabireysay iyo jaceylku masheea uu ka joogo waxayna warqadeedii ku bilowday sidan. qaaliyow igahano qoraalkaan uu kuusoo gudibnaayo qalbigaan ku jaceyl. qalbiga waa i hurayaan qaadayaasha dhiiguna way wada qarqarayaan qaluubtiyo nafteyduna aday kugu qarwayaan,qosolkiyo wanaagiyo qowlkiyo asluuta waa waxa i qaadee qalbiga kuugu heystee,inta aan qabuuraha qabrigeyga laga qodin,adna aan qiyaamaha laguu qorin ximaatada qaaliyow wax ila qabo. warqadaas ay usoo qortay aadkana ay ugu faryareysatay qaalidiisu markay soo gaartay. Asigana markuu helay intuu aqriyay ayuuba maba sii daahdaahine asiga oo farax qofkuu arkaaba uu ka dheehan karo ka muuqdo ayuu bilaabay inuu jawaab u qora jawaabtiisa waxay ku bilaabay sidan. qaalidii nafteydaay qiimaha kal gacalkiyo qowlkaa isoo tiri qalbigiyo jirkoo idil jariiraco i qaadoo ma qaboobi karayee,kalgaceylku yuu quban axdigana qiyaamaha yaan adi laguu qaban. waa qalbigaada. Bal aqristoo aan idin su,aalee marna intaa sheekada aqrineysay qalbigaada ma gelisay in labada ereyadaa is wadaagsaneysa ay aduunyo isku wayn karaan.Waa maya. laakiin aniga waxaan leeyahay waa dhici kartaa waayo jaceylka yurub ayaa badankii qiyaamo ku dhisan,rag iyo dumarba ma jiraan mid ku ekaanaaya qofka uu jecel yahay. Maalin maalmaha kamida ayaa waxaa dhacday,in gabadhii ay Email cusub sameysatay, kadibna ay warqadi u marsiisay gacaliyaheedii emailkii cusbaa, iyada iska dhigeysa qof uu hada ka hor u sheegay inuu la socon jiray laakiin ay kala hareen.markaa waxay is laheed bal tijaabi jaceyl uu kuu qabo intuu la egyahay,kaligaa ma ku jecel yahay mase dad kale ayaa jira. laakiin waxay iloowsaneed in qof qurbaha jooga inuu isku koobo qof kaliya ay tahay wax mucjiso ah oo ay yartay dadka saaxiib kaliya leh. Dumar iyo ragba waxay lasocdaan marka laga reeba qofka ay la socdaan 5 ama 10 kale, marka waxay ka tahay in qof uu saaxiibo badan la socdo wax iska caadi ahba. qoraalkii markuu utagay wiilkii waxuu u qaatay qofkii ay wada ka hor saxiibada ayaan jireen, oo mar kale usoo laabatay,waxuuna is yiri alay lahe mar kale ayay kuu gacan gashay ilaah ayaana og tan aad guursadneysee, bal labadoodaba isku wada adiga oo kala qarinaya. markii uu aqriyay warqadii gacalisadiisa mustaqbalkiisa aheyd ee qoftii hore uu moodaayay usoo qortay,Waxay ugu soo jawaabay sidan macaanto qoftaan u xiisaayay, qoftaan kaligeed habloo dhan uga go,ayay maxaa dhacay oo laguu wayay may dhacday, ereydaas iyo ereyo kale ayuu kusoo jawaabay warqadii lagu baarayay. waxuu kale oo uu sameeyay sheeko layaab leh, gacalisadiisa cusub ahna tan warqada qorta waxay heysataa lanbarada sirta ah ee lagu geli karo emailkiisa oo hada kahor ayuu siiyay, sidaa darteed waxuu is yiri imay aragtaa warqad qoftii hore kuusoo qortay,markaas ayuu kuyiri macaanto waxaa jira gebdho aanan garaneyn oo iska key dhiba ee hadii aad ku aragto warqad laygu dhibaayo oo shukaansi camal u qoran waxba u qaadan,warqadii jawaab celinta uu u dirayna waxuu ku qoray asiga oo mooda inuu ex girl frendskiisii ama saxiibtii hore u la hadlaya sidan macaanto markaa warqad iisoo direyso emailkaan waa iga haleysan yahay oo qoraalka sifiican loogama arkaayo ee kan aan kuusoo qoray iigu soo dir, taasna waxuu ula jeeday hadii emailkaan kugula soo xariirto waxaa arkaya gacalisadaan cusub. nasiib xumo waxuusan ogeyn labada qof ee uu moodo gacalisayaashiisa hore iyo tan tanbe in ay mid uun isku yihiin. waa socotaa sheekada lasoco qeybaha danbe mar dhow.
                         BY:Axmed cilmi xasan (naaji)

 

 

              

Insert Sub Header Here

nolosha waa jaceyl!!

Gabadh u Dhalatay Dalka South Africa ayaa isku Dishey Jaceyl Dartiis.

(Johannesburg, July 02,  2008 Ceegaag Online)

Gabadh u dhalatey Dalkan Koonfur Africa oo lagu magaacabo Amirah. ayaa Isku Dishey Jeceyl Dartiis, kadib markii loo diidey in ay guursato nin xiriir badan kala dhaxeyeey oo u dhashey dalka Zimbabwe.
 
Wargeyska Arrimaha Bulshadda ka Faalloda Ee ka soo baxa dalkan S/Africa gar ahaan magaalada johannesburg. ayaa maanta bogga hore ku soo qaatey sheekadan la yaabka badan,
 
Gabadhan oo da'deeda lagu sheegay 18 jir islamarkaana eheed gabar wax ka baran jirtey college ku yaala magaalda johannesburg. ayaa jecel dartiis isku dishey.sida u sheegay Aabaha dhalay gabadhan oo Wargyska u sheegay in gabadhiisa ay isku dishey suunta wax disha islamarkaana loo tagaay iyado meyd ah''
 
Aabahan ayaa intaa ku darey in gabadhiisa inta aysan is dilin ay qoortey dhanbaal dheer oo ka hadlaya jecelkeeda wuxuuna u qoornaa sidatana'
 
wiilkii aan jeclayoow aduunka waxaan uga tagaay jecelka aan ku qabey awadeed iyo sida aan muuqaalkagii u waayey anigana waxaan go'aan saday in aan aduunka iskaga taago macanoow marwalba waxaa ku taala qalbiga marakstana waan kula jooga'' waxaa erayadaas qoorey Amirah. oo la sheegay inta aysan dhiman in ay qoortey dhambalkaasii..
 
Wargyska ayaa wax ka weydiyay Aabaha dhalay gabadha ujeedadda ka danbaysa ee u uga diidey wiilka ay jecleyd'' Aabihina wuxuu ku jawaabey marnaba gabadheeda uma ogaleyn in ay guursato Nin ajaaniib ah sababto ah ajaaniibki ku noola dalka S/Africa waan kawadda eriney dhamaantood umana ogalaneyno ajaaniib in ay guursadan gabdhaheena waxaa sidaa yiri Aabahii dhalay gabadha.

     BY: C/xakiin faarax kooshin (kooyinyare)


 

Insert Another Sub Header Here

Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.Insert descriptive text which supports the above header. Insert descriptive text which supports the above header.