Abwaan Yamyam

Yuu dhibay jaceyl? Sheekooyin jaceyl? Bogga sawirada Waxbarashada!!!!! Bogga martida!!! Rayiga dadweynaha!!! Diini Dhambaalka mucaashaqiinta!! Waa maxay caafimaad? Heeso qoraal ah Aragtida dhabta ah!!! Photo

Yamyam: Gabyaa Laqmaday!

Yamyam: Gabyaa Laqmaday! Axmed F. Cali “Idaajaa”


Toddobaadkii ugu dambeeyey bishii Agoosto ee sannadkan (2005) ayaan kula kulmay Nayroobi; isaga oo markaas u ballansan inuu, saddex maalmood dabadood, u duulo Columbus, Ohio. Wuxuu ku guuleystey inuu ka mid noqdo Soomaalida boqollaalka ah ee bishii ama labadii biloodba mar halkan dayuuradaha lagaga guro; iyada oo aad mooddo in dadkana dhulka laga xaalufinayo, ka dib markii dhirtii laga xaalufiyey!  Waxaan kula kaftamay: “Yamyamow, adiguna ma haddaad Maraykan u qaxaysaa?”. Suu wuxuu ku jawaabey: “Oo sidee baan yeelaa, haddii aan 15 sano ka dhur-sugaayey, wanaag ka soo socdaana uusan ii muuqan…laakiin, kolley, dal shisheeye in badan kuma negaan doonee, waan ka soo noqonayaa markaan reerka geeyo, aniguna aan ka soo helo waraaqo lagu sodcaali karo” 
Cabdulqaadir Xirsi Siyaad oo Yamyam ku magac dheeraa, reerkii wuu geeyey. Laakiin isagu, wax la sheego, Maraykan kuma noolaan. Wuxuu ku geeriyoodey isaga oo aan 2 biloodna ku negaan: 
“Waxaad Aadanow maaggan tahay adiyo maankaagu
Iyo meel uu Ilaahay ku marin kala mid weeyaane!” 
 Markii ay qoyskiisu ugu baahida badnaayeen ayuu ka iishay. Wiilal iyo gabdhoba, warasadiisa oo hagiddiisa aan weli ka korin ayuu ka god-galay. Soomaali intii tiqiin iyo intii maqli jirteyba goortii ay ugu jeclaayeen ayuu geb yiri. Melaggii geerida ayaa baabuur lalaaya isaga soo dhigay. Markaas buu ifka ka jiciirtay, iyada oo aan nala ogeysiin, kansho lagu sagootiyana aan nala siin! 
Qoys iyo qaraabo ka sokow, bulshada suugaanta ayaa si weyn u tebi doonta. Waddaniyadda haatanba dadkeenna gabaabsiga ku ah ayaa maqnaanshihiisa u sii naafan doonta. Saaxiibbadiisii gaar ahaaneed ka sokow, maansadiisii murtida badnayd intii ku jeclayd ayaa sannado u ilmayn doonta. 
Geeriduse kala qoob culuse, tiisu waa khasaare ummadeed. Si dhab ah berri markii wax loo qiimeeyo ayaa la ogaan doonaa meesha hore ee uu kaga jirey maansoyahannadii Soomaalida u soo baxay soddonkii sano ee qarnigii 20d u dambeeyey. Aragtidayda, wuxuu ka mid ahaa, tiro ahaan, hal-abuurro bulshadeenna ku sii yaraanaya oo kulansaday hibada hal-abuurnimo iyo kasmo ballaaran oo hiddaha ummadda iyo af-soomaaliga ay u leeyihiin. 
* * * 
 Aniga, qof ahaan, wuxuu Yamyam ii ahaa wadeey qaali ah. Wuxuu ii ahaa saaxiib, inuu iga hormari doono, aanan weligey soo rogin! Laba-iyo-soddon sano ayaannu ahayn suugaan-wadaag, sheeko-wadaag iyo maan-wadaag intaba. Bilawgii 1900 iyo toddobaatannadiina waxaaba jirtey, dhawr sano, mar aannu Xamar degaan-wadaag ku ahayn. Gabaygii uu tiryo iyo heestii uu curiyoba, waxaan ahaa qofka ugu horreeya oo uu tuso, haddii loo baahdona la saxar-tira. Sidoo kale, isaga ayaa qoraalkii aan curiyo iyo maansadii aan isku dayoba iiga ahaa la-taliye aan ku kalsoonaa oo talooyinkiisa aan wax badan ku dheefay.  Sababahaas dartood ayay dad badan oo na wada yaqiini geerida Yamyam iiga tacsiyeen. Tacsiyayn keliyase kuma ay ekaane, waxay isla markaasba iga durraansanayeen, af ama qoraal ahaan, inaan wax uga iraahdo isaga qof ahaantiisii iyo, guud ahaanba, ujeeddooyinkii ugu muuqa dheeraa ee uu maansadiisa u xanbaarin jirey. Kaasina wuxuu ila noqday ummadda aan ku abtirsadaa codsi ay gar iigu leedahay iyo waajib ay tahay inaan ka soo dhalaalo oo saaxiibkayga geeriyoodey uu si walba iiga mudan yahay.
 
Haddaba, aniga oo kaashanaya aqoontii aan u lahaa, isla markaasna soo koobaya aan iraahdo: Yamyam wuxuu ahaa gabyaa hibo sheegtay oo curinta maansadu ay dhismaha jirkiisa ku daabacnayd, maankiisana aysan weligeed ka maqnaan. Wuxuu kaloo ahaa gabyaa dhiirran oo kolba wixii ay la noqoto soo if-bixiya, isaga oo aan dan ka gelin, hiif iyo hagardaamo, wixii ay u keeni karayso. Misana wuxuu ahaa gabyaa dhaqan-yaqaan ah. Mar kale wuxuu ahaa gabyaa madax bannaan. Mar shanaadna wuxuu ahaa gabyaa Soomaalinnimada ku dhaata. Intaasba wuu ahaa, waxaase loo baahan yahay faahfaahin dheeraad ah. Haddana waxa aan laga maarmi karin inta maansadiisa dib loo milicsado in iyada la markhaati-gashado. Taasina wax adag ma aha. 
1. Gabayaa hibo sheegtay: 
Sidaan xusuusto, sannadkii 1973kii ayuu Xamar noogu yimid; isaga oo waqooyi-galbeed ka socda; halkaas oo uu isagu ku soo guuleystey tartan maanso oo heer gobol ahaa. Magaalo-madaxda kolkuu yimidna, wuxuu ka mid noqday maansoyahanno sidiisa oo kale gobolladii ay degganaayeen iyaguna ku soo guuleystey oo tartan heer qaran ah la isugu keenay. Xilligaas waxa aan ka tirsanaa Akademiyada Dhaqanka hay’addii la oran jirey; taasoo wax yar ka dibna u xuub-siibatey Akademiyada Cilmiga & Fanka. Maamulka tartanka iyo tartameyaasha ayay Akademiyadu u xil-saarrayd; halkaasoo aniga iyo Yamyam aannu isku barannay. 
* * * 
Haddiiba waxaan la ashqaraaray hibada curinta maanso oo gabayaagan da’da yari uu ku hubaysnaa. Hadalka caadiga ahi siduu intayadii kale ugu fududaa ayay abuurka tuducyada gabaygu isaga ugu fududaayeen! Markiiba waxaan ogaadey inuu ‘gole-ka-fuul’ yahay: hal-abuur halka uu joogo isaga oo aan ka dhaqaaqin soo if-bixin kara maansadii uu doono ama ay saaxiibbadu ka doonaan! Taasina waxay ii sii caddaatay sannadkii 1974kii markii isaga iyo anigu aan gudo-galnay hawlihii suugaaneed ee wadajirka aannu u qabannay tii ugu horraysey. Waxay ahayd riwaayaddii aannu u bixinnay “Dabkuu shiday Darwiishkii” ee ku saabsanayd waayaha dhaqdhaqaaqii gobannimoddoonka Soomaaliyeed ee Sayid Maxamad Cabdille Xasan uu hoggaamiyey intii u dhexaysey 1895 ilaa 1920kii. 
Shaqadaas inteedii uu isagu sida gaarka ah ugu qaybsanaa waxay ahayd inuu tiriyo maansada ay jileyaasha riwaayaddu ku wada hadli doonaan iyo heesaha dhawrka ah ee loogu baahnaa. Waxaan filaayey, taxanihii sheekada haddaan dhisnay ka dib, labadayada mid waliba hawsha laga rabo inuu la tegi doono, dabadeedna toddobaad ama toddobaadyo dabadood, tii oo la soo ebyey aannu isula imaan doonno. Hase ahaatee, qorshahaasi sidaas uma dhicin, Yamyam baana ku wacnaa. Waxaan yaabay markuu inta qalin iyo waraaqo cadcad ii dhiibey iga soo hor-jeestay oo igu yiri:
 
Qor !”
“Maxaan qoraa?” ayaan iri
“Waxa aan kuu yeerin doono qor”
“Oo maxay yihiin?” ayaan ku celiyey, aniga oo weli garan la’ waxa uu iga rabo inaan qoro. 
Markaas buu yiri: “Waxaan kuu yeerinayaa ergooyinka shirka Baarliin gabayadii iyo geeraarradii ay ku wada hadli lahaayeen…u horraysii ergeyga Jarmalka ee martida loo yahay!”. 
Galabtaas ayuu saacado yar gudahood wuxuu ku dhammeeyey tixaha riwaayadda ku jira ee aragga 1d (First Scene); tixaha ku saabsan kulankii Baarliin ee xoogaggii Yurubta-galbeed ay 19884-1885kii Afrika ku hooshayeen. Markaan dib u xusuusto galabtaas iyo dhaqsihii meerisyada gabayada uu iigu soo tuuraayey ayaan isula ekaadaa arday damiinnimo iyo gacan-culays isku darsaday oo macallin degdegsani uu cashar u yeerinaayo!!
 
2. Gabayaa dhiirran
 
Tilmaamaha wanwanaagsan ee maansoyahanka waxaa ka mid ah geesinnimada. Isaga ayaa ku dhiirrada wax, inta badan, aan dadka kale ku dhiirran karin. Marar badan isaga ayaa naftiisa biimo ugu talin kara, si waxa laabtiisa ka guuxaaya uu u soo dibed-bixiyo. Hase ahaatee, maansoyahannada qudhoodu taas kama wada sinna. Qaar baa halka loo badan yahay wax uga dillaama. Qaar baa kolba kii duubku u xiran yahay gar iyo gardarroba ku raaca; iyaga oo lafahooda uga baqaya amaba anfaco ka jeeqaaqaya. Qaar kale, tolka ay ka dhasheen ayay addoon u noqdaan. Gefba ha ahaatee, talada ay qoladiisu maantaas u xaglinayso ayay ula xagliyaan, ‘maya’ inay yiraahdaanna kuma dhacaan! Qaar kale naftooda uun bay u daneeyaan, halkii runta iyo wanaagga bulshadooda ay uga danayn lahaayeen. Awoodda curinta maansaduba ha ku daabacnaatee, hal-abuurrada kuwa caynkaas ahi dadka kama dhex-qarsoomaan. Haba qurux badnaatee, maansadoodu ma soo dhaafto xilligii la tiriyey iyo meeshii lagu tiriyey toona, maxaa yeelay waxaa ka maqan dareenkii runta ahaa ee waarin lahaa. Maansadoodu ma hanaqaaddo, maxaa yeelay waxay ka dhalatay carrabkii dalabta lahaa ee la sheegay lugaha dalabta leh in laga garan og yahay!
 
Ha yeeshee, waayihiisu sida ay inoo muujinayaan, Yamyam waa gabayaa dhiirran. Sida aan u aqiin, waa gabayaa waxa uu rumaysan yahay aan ka leexleexan karin, xataa hadduu ku tashado inuu isyeelyeelo ama iscandadawlo!
 Sidaas darteed, awood siyaasadeed iyo rabitaan toleed toona weligiis uma nuglaan, cid kale afkeedana kuma uu hadlin. Bulsho-weynta Soomaaliyeed ayaa u sinnayd. Danaheeda ayaa weligiis uga horreeyey kuwiisa iyo kuwa qoyskiisaba. Taana waxaa laga garan karaa maansadiisa ballaaran iyo waayaha noloshiisa labadaba. Mar waa kii lahaa:
 
Obokh iyo Hargeysiyo
Nugaal oogadeediyo
Ardaayada Shabeelliyo
Ilaa beesha Enef-dii (NFD)
Afartiisa gees iyo
Muqdishoo unuunka ah
Ummaddayda joogtee
Diin iyo af keliya ah
U eg anigu saan ahay
Aabbiyo adeer iyo
Eeddiyo ayeeyaba
Oday qurihi wada dhalay
Ee alif kordhaban iyo
Aayadaha Quraanka ah
Hikaad keliya ku akhriya
Waa kala ab yaa yiri?
 
Arraxmaan Raxiimow
Waad iga ogsoon tahay
Ammuuraha na haystoo
Qoladaad albaabbada
U furtaa ma oontoo
Abaar iyo kulayl iyo
Eedaadka gaajaan
La adkaysan weynoo
Ummaddayda baahida
Wawga ashtakoodee;
Arsaaqdii dhulkoodood
Irmaanow tiraahdiyo
Aqli aan ku garanniyo
Addimmo aan ku maalliyo
Xaqdigoon illowniyo
Mid ahaanshaheenniyo
Sabool laga adkaadaan
Ku weyddiistey Eebbow!
 
 Sida ay dad badani xusuusan yihiin, bilawga 1900 iyo toddobaatannadii aad bay u yarayd tirada Soomaalidii u bareeri kartey siyaasadihii Golihii Sare ee Kacaanka iyo maamulkii ay iyagu hoggaaminayeen. Cid ay daacad ka ahayd, cid wax kaga doonaysey iyo cid ka baqayseyba, sacabka ayay bulshadu u wada garaacaysey. Waxaa ugu darraa maansoyahannada iyo hal-abuurrada fanka oo beryahaas si isdabajoog ah u curin jirey gabayo iyo heeso ay madaxdii dalka ku ammaani jireen. In kastoo beryahan loo badan yahay madaxdii xilligaas hal-abuurradii ammaani jirey in lagu darraabo, haddana taasi aniga waa ila gardarro, waana gef aan maan-gaabnimo ka tagganayn! Waxaan qabaa madaxdu haddii ay wax fiican qabato inay ammaanteenna mudan yihiin, maxaa yeelay waa u dhiirriggelin. Haddaynu daw u leennahay markay wax bi’iyaan inaynu ku dhalliillo, iyana waxay gar inoogu leeyihiin kolkay wax wanaajiyaan inaynu ku hanbalyayno.
 
Dhinaca kale, gabayaagu wuxuu gar u leeyahay tixihiisa inuu u adeegsado, fal iyo hadal, kolba wixii dareenkiisa dhaqaajiya. Wuxuu xaq u leeyahay cidduu doono inuu maansadiisa ku ammaano, mar walbase waxaa shardi ah inay run ka tahay oo aan dad kale carrabka la lahayn, lana kireysan! Si kastaba ha ahaatee, wax ugu wacnaaba, hal-abuurradii ka biyo-diidey ammaanta madaxdii dalka ee xilligaasi waxay u qaybsameen: --qaar iska aamusay; iyo qaar dan moodey inay tiriyaan heeso sarbeeban oo dadweynuhu aanu ujeeddadooda la bixi karin, siyaabo kala duwanna loo qaadan karo. 
* * * 
Sannadkii 1974kii ayuu Yamyam caddeeyey inuu saddexdaas qoloba ka duwan yahay. Wuxuu taariikhda gashaday geesinnimo layaab leh markii uu falanqeeyey gefafkii siyaasadeed ee ka dhashay maamul-xumadii isa soo taraysey, asii in kor loogu dheeraysto aan markaas cidina ku dhici karin! Sannadkaas ayuu tiriyey saddexda gabay ee la kala yiraahdo: Weriye, Qaran iyo Run Dhegeyso oo dhammaantood xanbaarsanaa dhalliilo toos ah; isaga oo tirinaaya goldaloolo wixii maalintaas u muuqanaayey. Madaxdii dalka ayuu ku canbaareeyey siday uga weecdeen 1969kii waddadii ay ku ballan-qaadeen inay ummadda qaadsiin doonaan: waddadii hufnaanta maamulka, waddadii horumarka, waddadii daryeelka nolosha dadweynaha… 
 Isaga oo aan u sarbeeban, ammaanna aan ka hormarin wuxuu ahaa gabayaagii ku dhiirradey inuu yiraahdo: 
Lixdankii sidii loo dhidboo, calanka loo dhaabay
Qaar weli dhur-sugayaa jiroon, dhaashi loo marine
Dheeraad intoodii rag cunay oo, ruugga sii dhuraya
Dhaayahaygu qaar bay arkaan, dhabarku muuqdaaye
Dhuunyaalihii lacagtu wuu, dhuudayaa weliye
Masaakiinta kii dhaca haddaan, tiirka loo dhiginnin
Oo ayan xaqiisii dhadhamin, kii u dhimanaayey
Maxaad noogu dhalateen kuwii, hore ma dhaantaane
Maxaadse ugu dhawaaqdeen cadlaan, laga dhabaynaynnin?
* * *
Tusaale kale oo dhiirranaantiisa inoo muujin karaa waxa uu yahay tuduc gabay ah oo ku beegan 1980kii. Waxay ahayd 21kii Oktoobar, maantaasna waxaa loo dabbaaldegaayey sannadguuradii 11d ee Kacaanka. Allaha u naxariistee, madaxweyne Maxamad Siyaad Barre khudbaddii uu maalintaas ummadda u jeediyey waxa uu daaha kaga qaaday qorshe cusub oo uu laba-kaclayn ku magcaabay. Waxaa lagu macneeyey: tallaabo, dul iyo hoos, lagu hagaajinayo maamulkii dalka ka jirey, wixii qaldamayna lagu turxaan-bixin doono. 
Yamyam, haddiiba qorshahaas shaki baa ka galay. Wuxuu, malaha, garan waayey, madax iyo aragtiba, iyada oo wax waliba ay sidoodii hore yihiin sida ay laba-kaclayni u suuraggeli karayso! Kolkaas buu, fagaarihii dabbaaldegga annaga oo aan wax badan ka soo fogaan, wuxuu la soo boodey:
 
“Digo-rogasho waa meel ka wacan degelki aad tiile
Adigoo diqdaadii fadhiya dulinku kaa raacay
Doobiga in loo sii cushaa xoolo kuu darara
Waa damac-ku-xiisood ninkii taa danniyayow e!” 
3. Gabayaa dhaqan-yaqaan ah: 
Hibo kasta ha lahaadee, gabayaa waliba wuxuu u baahan yahay inuu wax fiican ka aqoodo dhaqanka bulshada uu ku dhex-nool yahay iyo dadweynaha uu tixihiisa u jeedinaayo. Inay u le’ekaatoba, waa inuu garasho u leeyahay, guul iyo guuldarro, waayaha uu dadka degankiisu soo maray. Waa inuu wax fiican ka yaqaan, wadar ahaan, hiddaha uu dadkiisu ku dhaato. Waxyaabaha la wanaagsan iyo kuwa la qalloocan. Waxa kiciya iyo waxa dejiya. Himilada joogtada ah ee ummaddiisu ay indhaha ku hayso. Cidda ay cadawgeeda u taqaan, iwm… 
Haddaba, hiddaha ummadeed ee gabayaagu aanu sina uga maarmi karin waxaa ugu muhiimsan ‘dhaxalkii maanso’ ee hal-abuurradii ka horreeyey ay ka tageen. Hormuudyadii hore gabayadoodii kolkuu wax ka yaqaan ayay kuwiisuna culays yeeshaan. Markaas buu tixihiisa ku qurxin karaa muuqaallo ay dadku garanayaan. Markaas buu ku soo bandhigi karaa sawirro uu maanka kaga xadi karo oo mar uu kaga qoslin karo, mar kale uu kaga oohin karo, mar saddexaadna uu kaga fekarsiin karo! 
* * * 
Yamyam wuxuu ka mid ahaa maansoyahannada kuwooda hiddihii hore ee Soomaalida aqoonta dheeraadka ah u lahaa. Xilligii uu Akademiyada ka tirsanaa, gabayaa keliya ma uu ahayne, wuxuu ku jirey hawlwadeennada maansadii hore ururin jirey ee odayadii da’da ahaa ka qori jirey. Taasina wax weyn ayay ugu fillaatay. Wuxuu hoos ugu daaddegey siyaabihii hormuudyadii hore ee maansadeennu ay wax u curin jireen iyo tabihii iyaga qudhooda ay bulshadu ku kala saari jirtey. Markaas baa waxaa u suuraggashay inuu tiriyo gabayo iyo heeso ay Soomaalidu ku jeceshahay ujeeddooyinka ay taabanayaan iyo, farsamo ahaan, muuqaallada ay garanayaan ee uu ku xiddeeyo. Inta aan ogahay, wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee gabayadii hore inta dhex-muquuray ka soo miiray tuducyada halqabsiga leh ee, murtidooda darteed, ay dadku ku maahmaahaan, sida fududna ay dusha uga qaybi karaan. Kuwaas ayuu inta gabay walba ka soo saaray wuxuu ula baxay hal-muceedyo ama dareen-jiiteytaal; taasoo inoo caddayn karta xarigga adag ee isaga iyo maansadii hore isugu xirnaa. 
4. Gabayaa Soomaalinnimada ku dhaarta 
Da’ ahaan markii loo eego, Yamyam wuxuu ku indho-dillaacsaday iyada oo fikradda Soomaalinnimada uu calanku u babbanaayo. Wuxuu ku barbaaray iyada oo himilooyinka ummadda ay ugu weyn tahay xoraynta iyo midaynta dhulka iyo dadka Soomaaliyeed ee ay gumeysteyaashu kala qaybsadeen, kalana qoqobeen. Wuxuu garaadsaday iyada oo qab-wadareedkii ummaddu uusan dhulka ku dhicin oo Soomalinnimada lagu faano. Wuxuu tabaraystay iyada oo halgamaaga iyo khaa’inka la kala yaqaan oo uu halgamaagu sarreeyo! 
Fikradahaas ayuu ku koray. Iyaga ayaa ku weynaadey. Iyaga ayaa maankiisa ku gaamurey. Taana waxaad ka dhadhansan kartaa dhammaan maansadiisa dal-jacaylka ku saabsan. Gaar ahaanse waxa aan kuugu tilmaami lahaa gabaygiisii Gaawoon, kuwiisii guubaabada iyo dagaal-gelinta daarranaa, kuna aaddanaa dagaalkii Soomaaliya & Itoobiya ee 1977-‘78kii, heestiisii Soomaali baan ahay iyo miinleydii murugada badnayd ee uu ka mariyey shirkii dib-u-heshiisiinta ee 1993kii magaalada Addis Ababa Soomaalida loogu qabtay...
 5. Gabayaaa madax bannaan 
Wuxuu Yamyam ahaa gabayaa kuwa ay isku gedaha yihiin meelo badan kaga duwanaa. Waxa uu ku tilmaannaa hal-abuur curinta maansada badsada. Kolba dhacdada wax-ka-soo-qaadka lihi waa nin aanay demmani ku dhaafi jirin. Xumo iyo wanaag, guul iyo guuldarro, jab iyo soo-kabasho; intii uu hanaqaaday wixii uu u soo joogey oo idil tixihiisa ayuu ku taariikheeyey. Wuxuu iska ilaalin jirey inay lugaha uga marmaan dabinnadii isaga oo kale ay madaxdu u dhigi jirtey. Markaas buu wuxuu doortay inuu madax-bannaanaado, si ay maansadiisuna u madax-bannaanaato! 
Hanjabaad iyo hunguri-gelinba, wuxuu ahaa nin lagu soo loodin waayey. Taasina waxay sabab u noqotay gabayadiisa inay ku jiri waayaan tuducyo uu isagu mirahooda leeyahay, hase ahaatee ay ujeeddadoodu maan dad kale ka soo maaxatey! 1979kii, isaga oo maansadiisa ku halqabsanaya, innagana, malaha, iskeen baraya waa kii lahaa:
 
Adigoo i doortoo
Deexashada hikaaddiyo
Dareen igu hoggaanshoo
Dibnahayga hadalkiyo
Anfacada u diidoo
I dalbada ha joogtee
Ninna iima kaa diro!
 
Damac iyo fikrado kale
Darar igama keenaan;
Adigoo an soo dagin
Daad soo rogmadey iyo
Ima kiciyo duufaan!
…………………..
Adaan dayro kuu ahay;
Inta daanku harag iyo
Diir madow i leeyahay
Dariiqaaga mooyee
Kuma mariyo daw kale;
 
Qabiil kuguma soo dumo
Kuugumana dagaallamo;
Dastuurkaagu qarankiyo
Dadweynaha saboolka ah
Difaacooda weeeyaan! 
Wuxuu ahaa hal-abuur wixii uu aammino aan ka leexleexan karin. Ma ahayn gabayaa dareenkiisa cabburin karey oo, sababo isaga ka baxsan dartood, dib ugu dhigan karey. 
Si walba wuxuu uga duwanaa hal-abuurro kale oo, qaran-jabkii Soomaaliya ka dib, iyagu doortay inay ku ururaan halkii ay hortii ku dhasheen. Hal-abuurro u nuglaadey hindisaha jilibbada ay ka soo jeedaan. Hal-abuurro gar iyo gardarroba ku raacay waxa uu tolkood rabo. Hal-abuurro ku kufriyey midnimadii ummadda ee, waayo hore, ay sheegan jireen inay u taagan yihiin!
 Aragtidayda, maansoyahan waliba, isaga oo nool, wuxuu dhintaa kolkii af iyo uur kala jira lagu barto! Sidii ruux diblomaasi ah markuu u dhaqmo ayaa loo yaabaa! Laba-wejiile ayay bulshadiisu u aqoonsataa. Waxaa laga wada jeestaa markuu u ranbaso diktatooriyadda madaxda siyaasadda iyo cadaadiska xagga tolka uga yimaada. ‘Qoor-iyo-xero-laawe’ ayaa lagu sheegaa kolkuu oggolaado in la hoggaamiyo, halkii uu isagu wax ka hoggaamin lahaa! 
Haddaba, waayihiisa haddii loo fiirsado, intaas oo goldaloolo ah cidina Yamyam kuma xaman karto. Waxaa daliil kuu ah dhawr-iyo-tobankii sano ee u dambeeyey habkii uu u noolaa, halkii uu ku dhaqnaa iyo maansadii uu tiriyey ujeeddooyin wixii ay lahayd. 
* * * 
Yamyam waa gabayaa laqmaday! Lixdan mid la’ ayuu cimrigiisii ku soo af-jarmay. Waxaan maanka ku hayaa murtidiisii ugu weyneyd inay noo harsanayd oo, hadduusan dhiman, uu sidiisii iyo si ka badanba nolosheenna suugaaneed u hodmin lahaa. Waxaase jira Soomaalida suugaantiisa jecel wax aan ku samirsiin karo. Hadduu Eebbe idmo, timaaddada dhow waxay heli doonaan maansadii uu tiriyey dhammaanteed; taas oo ku urursan diiwaan baaxad weyn oo afar mujallad ah, isaga qudhiisuna intuu noolaa uu diyaariyey.  Waxaan hubaa maansadaas oo daabacani markay soo baxdo inay hodontooyada af-soomaaliga wax weyn ku kordhin doonto. Mar labaad, waxaan hubaa inay wax inaga bari doonto dhinacyo badan oo taariikhdeenna casriga ah ku saabsan, gaar ahaan dhawr-iyo-soddonkii sano ee aynu soo dhaafnay. Mar saddexaadna, waxaan hubaa inay noqon doonto talo iyo ku-dayasho meel ay ugu ciirsadaan dhallinyarada iska dareenta hibada maanso-curintu inay ku duugan tahay. 
Eebbe-weyne Yamyam ha u naxariisto, innagana dabadiis nama habaabiyo. Aamiin.
(
Axmed F. Cali “Idaajaa”)
Nayroobi, Keenya


 

Insert Sub Header Here

Insert Another Sub Header Here

Insert Another Sub Header Here