Custom 4

Yuu dhibay jaceyl? Sheekooyin jaceyl? Bogga sawirada Waxbarashada!!!!! Bogga martida!!! Rayiga dadweynaha!!! Diini Dhambaalka mucaashaqiinta!! Waa maxay caafimaad? Heeso qoraal ah Aragtida dhabta ah!!! Photo

Waa maxay caafimaad ?

Caafimaad waa ka caafimaad qabida xaga maskada jirka iyo la dhaqanka bulshada.

Waa maxay Overactive thyroid?
Overactive thyroid ama Hyperthyroidism waa xaalad uu qanjirka troodhka aad u shaqeynayo soona saarayo hormoon tirabadan, kaasoo dhiigga ka buuxsamo, kadibna keeno in qofka ku somoobo waxaana loo yaqaannaa (Thyrotoxicosis).

Hormoonnada uu soo dayao qanjirka troodhka waxay ka qeybqaataan falalka muhiimka ah ee ka dhaca unugyada jirka, qanjirkane wuxuu ku yaallaa dhuunta qeybteeda hoose, qanjirka wuxuu ku wareegsanyahay hunguriga cad waxuuna leeyahay qaab balanbaalis oo kale.

Waa maxay qanjirka troodhka?
Qanjirka wuxu dhiigga ka aruuriyaa cunsurka loo yaqaanno Iodine, kaasoo badanaa laga helo cunto badeedka, rootiga iyo cusbada waxuuna qanjirka u adeegsadaa samaysanka hormoonnada.
Labada hormoon ee ugu muhiimsan ee uu soo daayo qanjirka toroodhka waa T4 (99.9%), T3(0.1%), hormoonka saameynta ku leh jirka waa T3, sidaa daraadeed markii loo baahdaba T4 ayaa loo badalaa T3.

Sidee ayuu u shaqeeyaa qanjirka troodhka
Qanjirka troodhka waxaa kontroola qanjir kale oo ku yaalla maskaxda laguna magacaabo Pituitary, qanjirkaan wuxuu awood u leeyahay inuu yareeyo ama siyaadiyo hawsha qanjirka troodhka, hadii hormoonnada ay ku yaryihiin dhiigga wuxuu fariin u diraa qanjirka troodhka si hawsha loo kordhiyo iyo sida kalaba.
Isla qanjirka pituitary waxaa sii kontoroola qanjir muhiim ah kana mid ah maskaxda loona yaqaanno "Hypothalamus.
Qanjirka Hypothalamus wuxuu soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo TRH macnihiisuna yahay hormoonkii soo deyn lahaa hormoonnada troodhka, wuxuu saameeyaa qanjirka Pituitary, waxuuna ka soo daayaa hormoon loo soo gaabiyo TSH oo macnihiisu yahay homoonkii kicinta troodhka. markaas ayuu qanjirka hawsha billaabaa soona daayaa hormoonnada T3 iyo T4.

Marka haddii ay jirto mushkilad keensanaysa in qanjirka si aad ah u shaqeeyo, waxay ka imaan kartaa mid ka mid ah 3-da qanjir.

Maxaa keeno Kacsanaanta Qanjirka Troodhka?
Haddii aan soo koobo waxyaabaha keena kacsanaanta qanjirka troodhka waa sidatan:

  • Graves' disease (Waa cudur ku dhaca qanjirka troodhka kaasoo ka lunsiiya qaabkii saxda aheyd oo loogu kontrooli jiray hormoonka laga soo daayo qanjirka pituitary ee TSH, Cudurkan waa cudur la kala dhaxli karo, wuxuuna ku badan yahay haweenka [5-tii haween markuu ku dhaco 1-rag ah ayuu ku dhacaa], cudurkaan waxaa kiciya diiqada, sigaar cabidda, raajo lagaa saaray dhuunta, daawooyin iyo caabuqid feyras. calaamadaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah indho-fiiqnaan iyo furuuruc ka soo muuqdo badanaa lugaha)
  • Buro ka soo baxdo qanjirka troodhka, buradaasoo si kontorool laáan ah u soo deyso hormoon.
  • In qofku qaato daawooyin u shaqeeya sida hormoonka troodhka (daawooyinka lagu yareeyo miisaanka oo kale.)
  • Hormoonka kicinta troodhka oo si xad dhaaf ah loo soo daayo, taasoo badanaa ka timaado buro ka soo baxdo qanjirka Pituitary.
  • Qanjirka troodhka oo caabuq ku dhaca waxaana badanaa keeno fayrs. waxaana calaamad u ah qandho, cuno-xanuun iyo xanuun markaa wax liqayso. qanjirka waa xanuun markii la taabto.
  • Iodine badan oo la qaato sida daawada Ämiodarone" oo leh Iodine badan.


Calaamadaha Kacsanaanta Qanjirka Troodhka

  • Dhidid badan
  • Kuleelka oo loo adkaysan karin
  • Socodka caloosha oo siyaado ah
  • Gariir gacmaha ah
  • Xanaaq iyo kacsanaan niyad
  • Wadno garaac siyaado ah
  • Miisaanka oo lumo
  • Daal iyo tabardarri
  • Dhiigga haweenka oo qaldamo


Sidee lagu ogaadaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka

  • In la fiiriyo calamadaha aan kor ku soo xusay sida gariirka gacmaha, dhidid badan, maqaarka jirka oo saliix noqdo, tinta oo khafiif noqoto, wadnaha oo aad u garaacmo iyo qanjirka troodhka oo bararo.
  • Baaritaan dhiiig oo lagu fiirinayo hormoonnada kala ah T3, T4, TSH
  • Raajo-saaris


Sidee loo daaweeyaa Kacsanaanta Qanjirka Troodhka?

  • In la yareeyo calamadaha muuqdo iyadoo la adeegsanayo daawooyin
  • Daawo yareyso kacsanaanta qanjirka
  • Qalliin lagu sameeyo qanjirka


Ma jirto cunto gooni ah oo loo qaato xaaladdaan, laakiin haddii kacsanaantaadu ka timid in uu kugu badan yahay cunsurka Iodine waxaa iska yareyneysaa cunnooyinka uu ku badanyahay.

Maxaan sameeyaa hadii qanjirkeygu kacsan yahay?
Waa in aad u tagtaa dhakhtar una sheegtaa calaamadaha aad isku aragtay, baaritaan dhiig oo lagaa qaado ayaa lagu caddayn karaa dhibaatadaada.

Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah waxaad inoo ku soo diri kartaa E_mail:asadyare181@hotmail.com ama axmedsaadaq15@hotmail.com


qeexida murqa xanuun?

Qeexid
Murqo-xanuunku waa arrin caan ah oo wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka badanba.
Murqo-xanuunku waxaa la socon kara mergiyo-xanuun, seedo-xanuun, Lafo-xanuun iyo xanuun ku dhaca soohyada isku haya murqaha iyo xubnaha la xiriiraba.

Murqo-xanuunku badanaa wuxuu la xiriiraa kacsanaanta qofka, welwelka, murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaartay jimicsi ama shaqo culus. xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku dhacaaa murqaha kaliya ay culeeska la saaray ama dhaawaca soo gaaray wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku dhaco ama jimicsigu ama hawshu dhamaato. taasi oo u sahalaysa qofka inuu ogaado waxa u keenaya murqo-xanuunka.

Murqo-xanuunka wuxuu kaloo calaamad u noqdaa dhibaatooyin kale oo saameeyaa jirka oo idil sida caabuqidda (infakshannada), tusaale ahaan ifilada/hargabka.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro asiiba murqaha iyo soohyada isku haya jirka oo dhan sida cudurka loo yaqaanno "Lupus" ee haweenka u badan.

Waxaa kaloo jira cudurro sidoodaba ku dhaca murqaha kaliya oo badanaa calaamado kale wadan.

Sababaha keena murqo-xanuunka
Waxyaabaha ugu caansan ee keena murqo-xanuunka waxaa ka mid ah:
• Dhaawac ama jug soo gaaray murqaha sida murgacashada ama culeys xad-dhaaf ah oo la saaro.
• In adeegsiga murqaha laga badiyo ama si dhakhso ah loo isticmaalo taasoo muruqa u adkaysan karin.
• Kacsanaanta iyo welwelka qofka.
• Qaadashada daawooyinka qaar sida daawooyinka loo yaqaanno "ACE inhibitors" ee hoos loogu dhigo cadaadiska dhiigga, Daawooyinka "Statins" ee lagu yareeyo dufanka Kolistaroolka iyo daawada "Cocaine" ee lagu yareeyo xanuunnada, dadka qaarkoodne qabatimaan.
• Huridda iyo balbalidda wadajirka murqahaiyo oogada ee loo yaqaan "Dermatomyositis"
• Carqalad ku timaado macdanta jirka ku jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo kaalshiyamka.
• Cudurka "Fibromyalgia" oo kudhaca murqaha iyo soohyada dunta ah ee loo yaqaanno "Fibrous".
• Infakshannada oo ay ka mid yihiin: ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga, dabeysha iyo gooryaannada qaar.
• Cudurka "Lupus" ee dhaawaca murqaha iyo maqaarka.
• Cudurrada keena murqo-lafo xanuunka sida roomaatiisamka lafaha iyo murqaha "Polymyalgia rheumatica" iyo "Polymyositis"
• Cudurka sumoobidda murqaha ee "Rhabdomyolysis" (soohyada murqaha ayaa go'go'sun darteed)

Guri ku daaweyn
Haddii murqo-xanuunkaagu ka yimid dhaawac ama adeegsi xad dhaaf ah sida jimicsiyo badan ee aad samaysay, iska yareey, naso, qaado daawo yareysa huridda iyo balbalidda murqaha sida "Ibuprofen" kadibne baraf iska saar murqaha ku xanuunaya labadaba maalmood ee ugu horreeysa.

Haddii xanuunku kaa hayo murqaha kaliya ee jirka oo idil oo aad la dareemeysid caajis iyo wahsi, isku dheellitir jiifkaaga iyo dhaqdhaqaaqaaga kadibne sameey murqo-duugis/muroq-riixriixid (murqo-daliigid).

Haddii aad jimicsato, jimicsigaago ha noqdo mid fudud joogtane ah sida socodka, baaskiil wadidda, dabaasha IWM
hadii aad xanuun dareentid jimicsiga si aayar ah u billaw kadibne ku dar illaa murquhu soo ceshadaan tamartii iyo xooggii ay lahaayeen.

Haddii aad kacsantahay, wawalsantahay isku day in aad iska yareyso, isku mashquuliso wax ku halmaansiiya, hurdadane ku dadaal.

Haddii tallaabooyinka kor ku soo xusay aadan wax iskaga dareemin waxaad u baahantahay in aad dhakhtar u tagto si laguu wiisiteeyo, laguuna baaro.
Hadii la ogaado cudurka kuu keenay murqo-xanuunka waa in aad raacdaa tallaabooyinka uu kuu sheegayo dhakhtarkaaga.

La xiriir dhakhtarkaaga haddii
• Murqo-xanuunku sii jiro in ka badan 3 maalin
• Xanuunku uu noqdo mid aadan u adkaysan karin
• Aad isku aragto calaamad caabuq sida barar, gaduudasho iyo xanuun haddii murqaha la taabto ah
• Aad ku aragto murqaha dushooda finiinic/faruuruc
• Murqo-xanuunkaagu uu billawday daawo aad qaadan jirtay oo aad joojisay ama aad cabirka qaadashada aad badashay

Wac gargaarka dagdagga haddii
• Aad isku aragto culeys siyaado ah, barar iyo kaadi-yari
• Aad dhib kala kulanto neefsashada ama liqidda
• Aad isku aragto tabardarri ama aadan nuuxin karin murqaha
• Aad isku aragtid matag, qandho iyo qoor-kogid.

Su'aalaha aad kala kulmi doonto dhakhtarkaaga
• Goormuu xanuunka bilawday? meeqo ayuuna ku hayaa?
• Halkee ayuu xanuunka kaa hayaa? ma jirka oo dhan baa mise hal meel kaliya?
• Xanuunku ma halkiisa ayuu ku ekaadaa mise jirka ayuu ku faafaa?
• Maxaa kuu siyaadiya xanuunka maxaana kaa khafiifya?
• Maxaa calaamado ah ee la socdo murqo-xanuunkaaga?
• Qaabkee ayay murqaha kuu xanuunaan? xanuunkaasine heerkee ayuu gaarsiisanyahay?
• Wax daawo ah miyaa qaadataa?

Baaritaannada laga yaabo in laguu diro
• Baaritaan dhiig sida tirakoobka dhiigga ee dhameestiran
• Baaritaanno kale sida falgaldadajiyaasha murqaha (muscle enzymes)

F.G/ Hadii murqo-xanuunkaagu la socdo, daal, tabardarri, caloo-adeyg, qabowga oo aad u adkaysan karin, kalagoysyada oo ku xanuuna, Istaaga oo ku dhiba, miisaankaaga oo dhakkhso u kordhay waa in aad iska baartaa hormoonnada uu soo daayo qanjirka toroodhka (Thyroid gland).

Ka hortagga xanuunka murqaha
• Is kululey jimicsiga ka hor, kadibne isqabooji
• Is kala bixi jimicsiga kahor iyo kadibba
• Cab biyo badan jimicsiga ka hor iyo kadibba
• Iska ilaali in hal si' aad u fadhiisato ama u jiifsato muddo dheer.

Insert Another Sub Header Here

 waa maxay xanuunada maskaxda?

Xanuunnada maskaxdu waa caam. Ilaa lix million oo qof yaa laga helay, lakiin waxa ka jira aragtiyo aad u kala duwan oo ku saabsan waxa uu yahay, waxa sababa, iyo sida daka laagu caawin karo inay ka raystaan.

Dadka maskaxda ka jirani waxay la kulmi karaan dhibaatooyin sida ay u fekeraan, dareemaan ama u dhaqmaan. Tani waxay si wayn u saamayn kartaa cilaaqooyinkooda, shaqadooda iyo qiimaha noloshooda.

Qabitaanka xanuun xagga maskaxda ah dhib uma aha qofka qaba uun ee sidoo kale qoysaskooda iyo saaxiibadooda.

Xanuunnada maskaxdu waxay ka mid yihiin xaaladaha loogu faham yaryahay ee mujtamaca ka jira. Taas darteed, dad badan ayaa qaba
xaqiraad iyo takoorid joogto ah. Si kastaba ha ahaatee, caksiga waxyaalaha buugta ku qoran, iyo telefishannada iyo filimada waxa lagu
sheego, dadka maskaxda ka xanuunsan intooda badani waxay ku noolaan karaan nolol wax soo saar iyo guul leh haddii ay helaan daawada iyo kaalmada ku haboon.

Dadka qaarkood, daawooyinka iyo la tacaalid kale oo caafimaad ayaa caawinkara, dadkalese waxba uma taraan.

Daawaynta xagga caafimaadka waxa laga yaabaa inay tahay qayb ka mid ah waxa caawiya raysashada khasabse ma aha inay tahay qaybta ugu mahiimsan. Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in maskaxda oo laga xanuunsadaa aysan ahayn qofka qaladkiisa, mana aha calaamad daciifnimo mana aha wax la isku quursado.

In si gaar ah loogu arko dhibaatada qof kale inay tahay jirro u baahan daawayn waa aragti aad u gaaban. Taasina waxay naga hor istaagtaa inaan ka fakerno raadadka badan ee ay ku leedahay nolosha qofka, iyo sida ay u fekerayaan, dareenkooda iyo dhaqankooda, tasoo keeni karta dhibaato xagga maskaxda. Waxay kaloo naga hor istaagi kartaa inaan u kuur gallo la tacaalidda aan dhinaca caafimaadka ahayn ee la heli karo.

Sababahaas dartood, dad badan baa jecel inay ka hadlaan isku buuqsanaanta xagga dareenka ama maskaxda ah halkay ka oran lahaayeen waalli.

 waa  maxay sababta keenat maskax xanuun?

 Waxa jira fikrado badan oo ku saabsan waxayaalaha sababa maskax wareerka. Dooddaan waxay qayb ka tahay mid balaaran oo ka doodaysa waxa naga dhiga dadka aan nahay; in shakhsiyadaheennu ay ka dhashaan khibradaheenna nolosha ee aan soo marnay, ama in ay ka dhashaan dhaxalkeenna wiraasiga ah, ee ay waalidiinteen noo soo gudbiyeen.

Waxa suuro gal ah in qaarkeen ay dabiiciyyan u fududdahay inuu xanuun xagga maskaxda ahi ku dhaco, kaasoo ka bilaaban kara dhacdooyin rafaad leh iyo jugo.

Arrimaha soo socda waa sababaha suuro galka ah qaarkood.

Waxay jirro maskaxeedku ku iman kartaa arrimahan midkood uun ama qaarkood oo wada jira.

Nolosha qoyska oo adag
Haddii ilmuhu soo koray isagoo dareemaya in la dayriyay, ama waalidkii ka cabsada, ama la fara xumeeyo waxay dhamaan keeni karaan nabad galyo la’aan iyo khatar uu qofku ugu jiro inuu qaado jiro maskaxeed.

Cabburin
Intaan sii koraynnoba, waa nalaga hor joogsadaa inaan cabbirno dareenkeenna; waxaba laga yaabaa in nala ciqaabo haddii aan xanaaqno,
qosolno ama oyno. Dareennada la cabburiyo oo aan la soo ban dhigin waxay sababi karaan cadaadis dhaawici kara caafimaadkeena maskaxeed iyo ka xagga jirkaba.

Dhacdooyin nololeed dhib baddan
Kuwani waxay noqon karaan dhacdooyin jug wayn u gaysta qofka sida saaxiib ama qaraabo dhaw oo dhinta, ama halgan waqti dheer qaata sida haddi qofku yahay dhibbanaha dulmi ama cadaadis. Baayokemistari.
Samayskeena jirkeennu waxuu raad ku leeyahay maskaxdeenna. Tusaale, haddii aan naxno waxaan soo saarnaa dheecaan la yiraado Adrenaline kasoo ku yimaada waxa loo yaqaanno jawaabta dagaallan ama carar ‘fight or flight’. Haddii dheecaanka adrenalinta aan loo isticmaalin ficil dhaqdhaqaaq ah, maskaxdeenu waxay noqotaa mid kacsan jirkeennuna mid kakan.

Hiddo sidayaasha (Genes)
Kuwani waa habka ay waalidku ugu gudbiyaan carruurtooda calaamadaha muuqaalka ah. Waxaa suuro gal ah in hiddaheennu ay raad ku leeyihiin shakhsiyaadkeenna. Waxaa jira hiddo sidayaal sababi kara xannuunno xagga muuqaalka ah, sidaas darteed waxa jiri kara hiddo sidayaal noo nuglayn kara xanuunno maskaxeed.